Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo La-taliyihii ugu danbeeyay ee Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay ee uu Muqdisho ku soo laabto tan iyo intii uu isaga tegay kadib dib u Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad Yaasiin wuxuu kasoo duulay dalka Turkiga oo uu degan yahay, waxaana safarkiisa Muqdisho ku wehlinayay xubno ka mida isbaheysigiisa cusub ee Midowga Haybad Qaran.

Ujeedka imaanshaha Muqdisho ee Fahad Yaasiin ayaa ah ka qaybgalka shirweynaha Xisbiga Haybad Qaran oo Muqdisho lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco 8-da bishan Jannaayo.

Fahad Yaasiin ayaa ka mid ahaa 10 siyaasi oo ku dhawaaqay inuu musharax madaxweyne u yahay Ra’iisal wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana la sheegay inuu ahaa qofka abaabulka ugu weyn lahaa ee ka danbeeyay arrintan.

Madax ka tirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh sida taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa u hanjabay Fahad Yaasiin, isagoo qoraal uu bishii Novembar 2025 ku yiri:

“Siyaasadda dalka, argagixiso mustaqbal kuma laha, xataa hadday shaati-Siyaasad soo xirtaan. Waxaa muuqata tahriibin argagixiso, oo shuko-Siyaasadeed loosoo xirayo, laakiin indhaha hay’adaha amniga waa furan yihiin!”

Sidoo kale waxaa si toos Fahad Yaasiin weerar ugu qaadat C/risaaq Maxamed Maxamuud (Biritsh) oo ah Xogheynta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna Fahad Yaasiin markii lagu dhawaaqay Midowga Haybad Qaran.

Lama oga in hanjabaada ku wajahan Fahad ay iska ahayd mid siyaasadeed iyo in tallaabo laga qaadi doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles