Thursday, June 25, 2026

Somaliland oo la sheegay in ay Joojisay Duulimaadyadii Air Djibouti

Somaliland ayaa la sheegay inay joojisay oggolaanshihii degista ee shirkadda diyaaradaha Air Djibouti, taasoo sababtay hakinta afar duulimaad toddobaadkii ah oo u kala gooshi jiray Jabuuti iyo Somaliland.

Go’aankan ayaa yimid kaddib khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay diidmada dowladda Jabuuti ee aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, arrintaas oo sii xoojisay xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan Geeska Afrika.

Hakinta duulimaadyada ayaa si gaar ah u saameysay ganacsatada iyo xubno ka mid ah qurbo-joogta oo si joogto ah u adeegsan jiray khadkaas, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Wararka ayaa sheegaya in Air Djibouti ay arrintan ka soo saari doonto war rasmi ah, iyadoo shirkaddu hore toddobaadkii dhowr duulimaad ugu tagi jirtay Somaliland.

Ilaa iyo hadda, labada dhinac—Somaliland iyo Air Djibouti—si faahfaahsan ugama hadlin go’aanka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in khilaafka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland uu salka ku hayo mowqifka Jabuuti ee ka dhanka ah aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland. Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ay wehliyaan dalal kale, ayaa tallaabada Israa’iil si adag uga horyimid, iyagoo muujiyay taageero ay u hayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Xiisaddan ayaa sidoo kale keentay in Somaliland ay dhawaan u yeerato wakiilkeedii u joogay dalka Jabuuti, tallaabadaas oo muujinaysa heerka sare ee khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles