DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal cirka ah oo xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ka fuliyeen deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday goob ay argagixisada Al-Shabaab ku abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qorsheynta iyo diyaarin qaraxyo lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in intii uu socday howlgalkaas lagu dilay 17 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo si toos ah uga qayb qaadanayay falal amni-darro ah. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba la burburiyay hub iyo gaadiid ay kooxdaasi u adeegsan jirtay weerarrada ay ku beegsan jirtay shacabka iyo hay’adaha amniga.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeysay in howlgalka uu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, isla markaana u dhacay sidii loogu talagalay, iyadoo aan wax khasaare ah loo geysan shacabka ku nool deegaanka lagu fuliyay weerarka.

WARARKII KALE

Sacuudiga oo war ka soo saaray weerarada Xuutiyiinta

Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay isku...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles