Saturday, February 14, 2026

DFS oo si kulul u cambaareysay falkii naxdinta lahaa ee Aabe carruurtiisa ku gubay magaalada Hargeysa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii argagaxa lahaa ee magaalada Hargeysa lagu gubay afar carruur ah, kaasi oo sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah uu geystay aabahood.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in falkaasi foosha xun uu yahay mid ka hor imaanaya diinta Islaamka, dhaqanka iyo damiirka bulshada Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay tacaddi aan marnaba la aqbali karin.

Warbixinta wasaaradda ayaa intaas ku dartay in falkaasi uu salka ku hayo khilaaf qoys oo u dhexeeyay hooyada iyo aabaha carruurta, balse aysan jirin wax sabab ah oo loo raadin karo in la gubo carruur aan waxba galabsan.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adaha amniga ee magaalada Hargeysa in ay si degdeg ah u sameeyaan baaritaan dhammeystiran, isla markaana eedeysanaha la horkeeno cadaaladda si loo helo xaq-soor buuxa.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in ay muujiyaan feejignaan iyo isu-tanaasul, isla markaana aysan khilaafaadka qoysaska u oggolaan in ay isu beddelaan falal rabshado iyo dilal naxdin leh.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ayaa xaqiijisay in ay ka go’an tahay difaaca iyo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed, iyadoo iskaashaneysa hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah si loo xoojiyo nabadda iyo amniga qoysaska Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kulmay...

Kenya oo dib u furaysa xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya ayaa dib u furi doonta xuduuddeeda ay la...

Booliska Kenya oo xiray Nasir Cige iyo eedeynta loo haysto

Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in...

RW Xamsa oo xalay la kulmay madaxda Mucaaradka ee la celiyay xerada Xalane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles