Maxaa ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Xaalad kacsan ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC ay shaqada ka joojisay boqolaal shaqaale Soomaaliyeed ah oo ka howlgelayay garoonka, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Go’aankan ayaa sababay in shaqaalihii la eryay ay sameeyaan mudaharaad ballaaran gudaha garoonka, iyagoo ku eedeeyay maamulka shirkadda inay si “nasiib darro iyo takoor ah” u ceyrisay shaqaalaha Soomaaliyeed, halka ay shaqaalihii beddelay ka keentay dalal shisheeye.

Wararka ahaaa sheegaya in qaar kamid ah shaqaalaha cusub ee lagu beddelayo Soomaalida ay yihiin ajanib laga keenay Turkiga iyo dalal kale, taasoo sii hurisay caro iyo gadood ka dhex aloosmay shaqaalaha la ceyriyay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay tagaan garoonka si ay ula hadlaan labada dhinac oo xaaladdu ay u muuqato mid kasii dareyneysa.

Qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa sheegay in hawlihii duulimaadyada qaarkood ay hakad galeen, kadib markii qaar kamid ah shaqaalaha muhiimka ah ay joojiyeen shaqooyinkii ay hayeen.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo muddooyinkii dambe la hadal-hayay khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeyay shaqaalaha maxalliga ah iyo maamulka shirkadda Favori, kaas oo ku saabsan mushaarka, xuquuqda shaqaalaha iyo go’aano lagu sheegay kuwo cadaalad darro ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles