Mareykanka oo sheegay in Suuriya ay ka taageerayaan dagaalka Daacish

Maraykanka ayaa sheegay in Suuriya ay ku biirayso isbahaysiga caalamiga ah ee looga adkaanayo kooxda Daacish, isla markaana ay dib u bilaabayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Washington.

Tani ayaa waxay ku soo beegantay wadahadallo ka dhacay Aqalka Cad, oo dhex maray Donald Trump iyo madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa.

Suuriya ayaa ku biiri doonta isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalamaya kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka, taasi oo calaamad u ah isbedel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump.

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli madaxweyne Donald Trump uu Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa, waa booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Suuriyaan ah taariikhda dalkaas.

Isagoo wareysi siinayay Fox News, al-Sharaa wuxuu sheegay in booqashadu ay qayb ka tahay “waa cusub” oo waddanku uu iskaashi kula yeelan doono Mareykanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles