Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday qorshe dib loogu furayo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, si loo yareeyo culeyska iyo ciriiriga ama jaamka ay dhibaatada ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Guddi loo xilsaaray xal ka gaaraan ciriiriga ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Guddigan oo isugu jira Hay’addaha Amniga, Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho, iyo sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran si dib loogu furo.
Shirkaan ayaa sidoo kale la isku raacay in culeyska xayiraadaha ka dhashay laga yareeyo shacabka.
Shirkan ayaa ka dambeeyay xili shacabka Muqdisho ay caqabad weyn ku qabaan dhagaxaanta ku xiran wadooyinka Caasimada Muqdisho.


