Shirweynaha SSC Khaatuma oo furmaya iyo ammaanka Laascaanood oo la adkeeyay

Shirweynaha lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatumo ayaa maanta  ka furmo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay diyaar garowgiisa uu socday.

Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si aad ah loo adkeyay waxaana waddoyiinka lagu arkayaa ciidamo gaar ah oo sugaya amniga.

Wararka ayaa sheegaya in ergooyiinka shirka ka qeybgalaya qaar ka mid ah ay soo gaareen magalada laascaanood.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay habraac amni oo ku saabsan Shirka Dhammaystirka Maamul dhiska Khaatumo oo ka furmaya magaalada Laascaanood.

Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo waxay sheegtay in ay magaalada Laascaanood ka reebban tahay in hub lala dhexmaro ama ciidan hubaysan soo galo laga bilaabo Maanta oo Khamiis ah, islamarkaana waxay Dhammaan Gaadiidka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo fartay in aysan la soo gelin wax Gaadiid ah gudaha Laascaanood.

Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf xooggan ka taagnaa hanaanka iyo qaabka loo marayo maamul u sameynta SSC Khaatuma.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles