Shirweynaha SSC Khaatuma oo furmaya iyo ammaanka Laascaanood oo la adkeeyay

Shirweynaha lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatumo ayaa maanta  ka furmo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay diyaar garowgiisa uu socday.

Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa si aad ah loo adkeyay waxaana waddoyiinka lagu arkayaa ciidamo gaar ah oo sugaya amniga.

Wararka ayaa sheegaya in ergooyiinka shirka ka qeybgalaya qaar ka mid ah ay soo gaareen magalada laascaanood.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay habraac amni oo ku saabsan Shirka Dhammaystirka Maamul dhiska Khaatumo oo ka furmaya magaalada Laascaanood.

Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo waxay sheegtay in ay magaalada Laascaanood ka reebban tahay in hub lala dhexmaro ama ciidan hubaysan soo galo laga bilaabo Maanta oo Khamiis ah, islamarkaana waxay Dhammaan Gaadiidka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo fartay in aysan la soo gelin wax Gaadiid ah gudaha Laascaanood.

Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf xooggan ka taagnaa hanaanka iyo qaabka loo marayo maamul u sameynta SSC Khaatuma.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles