Uganda oo sheegtay in wadahadal uu u bilowday Mareykanka iyo Al-shabaab

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (CDF), Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadal culus ku qoray baraha bulshada, isagoo si toos ah uga hadlay arrimo la xiriira ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, iyo xiriirka reer Galbeedka iyo Maraykanka la leeyihiin kooxo argagixiso ah.

Muhoozi ayaa yiri “Mareykanka iyo reer galbeedka guud ahaan waxay hadda aqoonsanayaan Al-Qaacida ee Suuriya. Xitaa walaalaheenna Israa’iil waxay u muuqdaan inay xaaladdan oggol yihiin? Waxa kale oo aan maqalnay in Mareykanku bilaabay wada-hadallo qarsoodi ah oo ay la yeelanayaan Al-Shabaab ee Soomaaliya. Waxaan ka codsaneynaa Taliyaha Sare ee Ciidamada Madaxweynaha Uganda inuu si dhab ah uga fiirsado in gebi ahaanba laga saaro ciidamadeenna Soomaaliya kaddib 18 sano oo howlgal ah.”

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar is-daba joog ah oo sheegaya isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, gaar ahaan la xiriirta wada-xaajoodyo lala galayo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu weyn ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya,iyagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS), waxaana ay door muhiim ah ka ciyaartay sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo gobollo kale.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles