DFS oo war ka soo saartay dagaalkii Ka dhacay Sabiib & caanole

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abaaro 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortegay weerar ay AS Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka AS ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda AS iyadoo ay socdaan weli howlgallo lagu baacsanayo haraadigii maleeshiyaadkaas.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed Fagaaraha dagaalka, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadawga.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay As sameeyay.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka AS, sugidda amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles