DFS oo war ka soo saartay dagaalkii Ka dhacay Sabiib & caanole

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abaaro 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortegay weerar ay AS Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka AS ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda AS iyadoo ay socdaan weli howlgallo lagu baacsanayo haraadigii maleeshiyaadkaas.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed Fagaaraha dagaalka, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadawga.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay As sameeyay.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka AS, sugidda amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles