Sunday, January 18, 2026

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir.

Boqolaal haween oo ka careysan falka xadgudubka Israa’iil ee midnimada Soomaaliya ayaa muujiyay dareenkooda, iyagoo si cad u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku kacday, isla markaana adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala qaybin karin.

Qaar kamid ah haweenka ka qaybgalay dibadbaxa, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin dowladdooda, kana go’an tahay difaaca dalka, isla markaana aysan marnaba aqbalayn in lagu xadgudbo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mid kamid ah haweenka dibadbaxa ka hadlay, Caasho Cali Caasho, ayaa tiri:
“Dib ugama laabanayno mowqifkeenna, Israa’iilna waan diidnay, diidmadana waan sii wadaynaa.”

“Dhulka Soomaaliyeed kalama go’i karo, dadka Soomaaliyeedna lama kala qeybin karo, isu soo baxaana waxaa uu qeyb ka yahay bannaanbaxyada looga soo horjeedo faragelinta Isrll ku sameysay madax bannaanida dalkeenna.” Guddoomiye Jawaahir Baarqab

“YHD-da dhiigii reer Falastiin ayaa gacmahooda ka qoyan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana uga mahadcelineynaa dadaallada uu dalka ku difaacayo.” Guddoomiyaha Ururka Haweenka degmada Kaaraan Suldaano Axmed

“Midnimada iyo Madax-bannaanida dalka ma aha mid laga gor-gortami karo, Haweenka Soomaaliyeedna waxay codkooda si xooggan ugu muujinayaan in gobol ka mid ah Soomaaliya ayaan la aqoonsan karin.” Agaasimaha horumarinta Haweenka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee XFS Sacdiyo Maxamed Nuur

Dibadbaxyada ka dhanka ah Israa’iil ayaa sii kordhaya, iyadoo sidoo kale ay isa soo tarayaan cambaareynta ay jeedinayaan dowlado iyo ururro caalami ah, kuwaas oo si cad u sheegay in madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, isla markaana falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay mid baalmarsan qawaaniinta caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Somaliland oo ciidamo cusub ku soo Bandhigtay G/Sool

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ka badan 6,000 askari...

Madaxweyne Xasan oo Laascaanood ay isku wareysteen Wafdi ka socda dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka...

Weerar hubeysan oo xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee Garowe

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo hubeysan ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles