Wednesday, October 29, 2025

Dilalka ku saleysan Aano qabiil oo ka dhacay Galgaduud iyo Faahfaahin dheeri ah

Dilalka ka dhaca deegaanada Galgaduud, gaar ahaan kuwa salka ku haya anooyinka qabiilka, ayaa noqday dhibaato sii kordhaysa.

Waxa la sheegay in maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda degmada Balanbale ay dilaan aabe iyo wiil, Cabdulahi Maxamed Lugtii Jiic iyo wiilkiisa Baashi Cabdulahi Maxamed Lugtii Jiic, deegaan lagu magacaabo Labi Kooraale.

Kadib dhacdadan, maleeshiyaad kale oo ka soo jeeda degmada Guriceel ayaa weerar ka fuliyeen deegaanada hoos taga Balanbale, inkasta oo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Xaaladani waxay muujinaysaa in dilalka ku saleysan qabiilka ay noqdeen kuwo ka sii daraaya gudaha Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa sidoo kale muuqata in maamulka Galmudug iyo maamulada kale ee deegaanka ay ku fashilmeen qaadashada tallaabooyin waxtar leh oo lagu joojinayo xasilooni darrada.

Odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ma aysan qaadin tallaabooyin muuqda oo lagu daminayo dagaalka qabiilka, taasoo sii xumeynaysa xaaladda amni ee gobolka.

WARARKII KALE

Shirkii Carta oo la xusayo 25 sano kadib, balse Soomaaliya weli khilaaf ku jirta

Waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku sii qul...

Imaaraadka Carabta oo lagu dhaliilay taageeridda kooxaha hubeysan ee Soomaaliya iyo Suudaan

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay warbixin culus oo lagu eedeeyay...

Israa’iil oo Xamaas ku eedeysay inay jabisay heshiiskii xabad joojinta

Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay Qaza,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Millateriga Suudaan oo laga qabsaday magaalada muhiimka ah ee el-Fasher

Ciidammada Suudaan ayaa xaqiijiyay in ay ka baxeen saldhiggii...

Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad siday dalxiisayaal oo ku burburtay Kenya

Diyaarad siday 12 qof ayaa ku burburtay degmada Kwale...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles