Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in tartan iyo loollan siyaasadeed uu ka dhex jiro xulista xubinta Bulshada Rayidka ah ee ka mid noqonaysa Guddiga Farsamada ama Task Force-ka loo qorsheynayo maamulka iyo diyaarinta arrimaha doorashada Soomaaliya.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in guddiga wada-xaajoodka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wada hadallada kula jira mucaaradka uu Beesha Caalamka u gudbiyay soo jeedin ah in xubinta Bulshada Rayidka ah laga soo xulo ururrada ka jira Muqdisho.
Arrintan ayaa dhalisay dood iyo walaac, iyadoo mucaaradku ay doonayaan in xubinta loo magacaabayo Bulshada Rayidka ay noqoto qof si dhab ah uga madax-bannaan dowladda iyo dhinacyada siyaasadda, isla markaana leh aqoon, khibrad iyo awood uu ku matalo danaha bulshada rayidka ah.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Federaalka ay doonayso in matalaadda Bulshada Rayidka lagu koobo heer federaal, gaar ahaan ururrada ka howlgala Muqdisho.
Waxaa jira walaac laga qabo in qof siyaasadda ugu dhow dowladda loo soo xulo xubinta, balse lagu soo bandhigo magaca Bulshada Rayidka, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta in kalsoonida lagu qabo Guddiga Farsamada ay hoos u dhacdo.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa la sheegay inay waqti gelinayaan sidii loo xaqiijin lahaa in xubinta Bulshada Rayidka ah aysan noqon qof dhinac siyaasadeed u janjeera, balse ay noqoto xubin madax-bannaan oo awood u leh inay si dhab ah u metesho bulshada rayidka ah.
Su’aasha ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah sida loo qeexayo cidda xaqa u leh inay soo xulato xubintan iyo shuruudaha lagu dooranayo.
Waxaa Soomaaliya ka jira ururro Bulshada Rayidka ah oo ka shaqeeya heer federaal, halka ay sidoo kale jiraan ururro iyo hay’ado ka jira dowlad-goboleedyada oo sheeganaya inay haystaan sharciyadda matalaadda bulshada rayidka ah.
Sidaas darteed, haddii xubinta lagu soo xulo oo keliya ururrada Muqdisho, waxaa iman kara dood ku saabsan matalaadda bulshada rayidka ee guud ahaan Soomaaliya, maadaama dowlad-goboleedyadu ay leeyihiin ururro iyo hay’ado bulshada rayidka ah oo iyaguna doonaya inay qayb ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadeed.
Xulista xubintan ayaa noqon karta mid xasaasi ah, maadaama Guddiga Farsamada loo qorsheynayo inuu door ku yeesho arrimaha la xiriira doorashada iyo heshiiska siyaasadeed ee dhinacyada Soomaalida, xilli ay socdaan wada-xaajoodyo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Haddii aan la isku raacin habraac cad, hufan oo loo dhan yahay, muranka ku saabsan hal xubinta Bulshada Rayidka ah ayaa isu beddeli kara caqabad hor leh oo ku timaadda wada-hadallada doorashada.


