Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay go’aan siyaasadeed oo cusub oo sii adkeyn kara khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Deni ayaa sheegay in heshiis kasta oo horey u dhexmaray Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu hadda yahay mid la laalay, isagoo tilmaamay in Puntland ay si gaar ah u dhaqmi doonto inta laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo ay Soomaalidu isku raacdo.
“Heshiis kasta oo naga dhexeeyey Federaalka waa la laalay. Si gaar ah ayaan u dhaqmaynaa inta Soomaali isaga imanayso. Dadka Xamar naga joogana waa dad shaqo tegey.”
Hadalkan ayaa muujinaya in Puntland ay qaadday mowqif ka sii fog kii hore, iyadoo xoojinaysa aragtideeda ah in arrimaha waaweyn ee dalka lagu xalliyo heshiis siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyadu qayb ka yihiin.
Khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii dambe si gaar ah ugu xoogeystay arrimaha dastuurka, qaabka doorashada iyo awood-qaybsiga dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Puntland ayaa horey u sheegtay inay ka soo horjeeddo wax-ka-beddello dastuur iyo doorashooyin aan heshiis siyaasadeed lagu gaarin.
Go’aanka cusub ee Deni ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ka gaaraan heshiis ku saabsan doorashada dalka, iyadoo weli ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan qaabka iyo jadwalka doorashada.
Haddii mowqifka Puntland uu sii adkaado, arrintan waxay caqabad ku noqon kartaa dadaallada lagu doonayo in lagu mideeyo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilli loo baahan yahay heshiis ballaaran oo lagu wajaho doorashada soo socota.
Puntland iyo dowladda dhexe ayaa horey ugu kala aragti duwanaaday arrimo badan oo siyaasadeed, waxaana warbixinno kala duwan lagu tilmaamay xiriirka labada dhinac inuu galay marxalad adag.


