Dowladda Soomaaliya oo saraakiil iyo Ciidamo dheeraad ah geysay Baydhabo

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo geysay saraakiil iyo ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya xoojinta amniga magaalada, xilli ay kordheen dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay sameynayaan ciidamada taabacsan madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdixakiin Ceeldheer, ayaa gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo safarkiisa lagu sheegay inuu la xiriira yahay xoojinta iyo sugidda amniga magaalada.

Imaatinka Taliyaha Haramcad ayaa ku soo aadaya xilli Baydhabo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xiisad amni oo sii kordheysa, iyadoo dhinacyada siyaasadda isku haya Koonfur Galbeed ay sidoo kale wadaan abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Ciidamada iyo saraakiisha dowladda dhexe ee la geeyay Baydhabo ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan sugidda xarumaha muhiimka ah iyo xoojinta amniga magaalada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in laga hortago wax kasta oo sababi kara isku dhac ama qalalaase amni.

Dhinaca kale, ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa weli wada dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ka socda agagaarka Baydhabo, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladda magaalada ay isu beddesho iska horimaad hubeysan.

Ilaa iyo hadda lama shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada dowladda ee Baydhabo la geeyay, sidoo kalena ma cadda muddada ay magaalada ku sugnaan doonaan ciidamadan.

Baydhabo ayaa maalmahan noqotay goob ay si weyn isha ugu hayaan dowladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo dhinacyada siyaasadda ee dalka, iyadoo xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee magaalada ay weli tahay mid xasaasi ah.

WARARKII KALE

Ururka Qareennada Soomaaliyeed oo ka horyimid Habraac lagu Nidaaminayo Mihnadda Qareennimada

Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid...

Deni“Heshiis kasta oo naga dhexeeyey Federaalka waa la laalay”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay go’aan...

Dood ka taagan xubinta cusub ee ururada Bulshada ee guddiga doorashada

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in tartan iyo...

Laftagareen oo Hakiyay Duulimaadyada Ciidamada iyo Agabka Ciidan ee Baydhabo

Xubnaha taabacsan madaxweynihii hore ee KGS Cabdicasiis Laftagareen ayaa...

Muwaadiniinta u dhashay Burundi oo durbaba bilaabay inay ka baxaan Kenya

Boqolaal muwaadiniin ah oo u dhashay dalka Burundi oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles