Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid qoraal ay sheegeen in Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu ku dalbaday in la soo saaro amar ama go’aan lagu nidaaminayo habraaca shaqada iyo mihnadda qareennimada.
Ururka ayaa sheegay in tallaabadan aysan waafaqsanayn shuruucda dalka iyo awoodaha sharci ee hay’adaha ay arrintani khuseyso.
Qareennada Soomaaliyeed ayaa ku dooday in maamulka iyo nidaaminta mihnadda qareennimada ay leeyihiin saldhig sharci oo gaar ah, isla markaana ay jiraan hay’ado iyo habraacyo sharci oo loo marayo arrimaha la xiriira mihnadda qareennimada.
Ururka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay faragelin lagu sameynayo nidaamka iyo maamulka mihnadda qareennimada, isagoo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in hay’ad kasta ay ku shaqeyso xadka awoodaha uu sharcigu siinayo.
Ugu dambeyn, Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ugu baaqay inuu dib uga laabto awaamiirta iyo tallaabooyinka uu ururku ka horyimid, isla markaana la ilaaliyo wada-shaqeynta iyo xiriirka ka dhexeeya Garsoorka iyo Qareennada.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay muhiimad gaar ah leedahay nidaaminta mihnadaha sharciga iyo ilaalinta madax-bannaanida hay’adaha ku shaqada leh caddaaladda.


