Tuesday, March 3, 2026

Doon ay saarnaayeen Tahriibayaal oo ku degtay xeebaha Yemen

In ka badan 60 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay ka dib markii doon ay la socdeen ku dhawaad 150 qof oo ku degtay xeebaha dalka Yemen oo cimiladu xumayd Axaddii shalay ahayd.

Doonta ayaa ku degtay gobolka Abyan ee koonfurta Yemen, waxaana la helay meydadka 68 qof, sida uu BBC u sheegay madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee ee IOM.

Wuxuu sheegay in 12 qof la soo badbaadiyay, tobanaan kalena wali la la’yahay.

Inta badan dadka la laayay ayaa la rumeysan yahay inay u dhasheen dalka Itoobiya, ayay tiri IOM oo dhacdadan ku tilmaantay mid laga xumaado.

Yemen ayaa weli marin weyn u ah muhaajiriinta ka imaanaya Geeska Afrika ee u socdaalaya dalalka Khaliijka Carabta si ay shaqo u raadsadaan, iyadoo hay’adda IOM ay ku qiyaastay boqollaal qof oo ku dhintay ama lagu la’yahay doon ku degtay bilihii la soo dhaafay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles