Monday, July 20, 2026

Guddoomiye ku xigeenkii Howlaha guud ee G/Banaadir oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiye ku xigeenkii Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale, waxaana xilkaasi loo magacaabay Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo C/majid Daahir Aadan, kaasoo maanta xilka la wareegay.

Waa mas’uulkii labaad ee ka mid ah Madaxda Gobolka Banaadir oo xilka uu ka qaadayo Madaxweynaha, iyadoo dhawaan xilka laga qaaday xoghayihii guud ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Cabdimajiid Daahir Aadan oo uu dhawaan Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Kuxigeenka xafiiska banneeyay  Xasan Maxamed Jimcaale.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale shaqooyinkii uu soo qabtay inta uu xafiiska joogay, asigoona Guddoomiye Kuxigeenka Cusub ee Howlaha Guud Cabdimajiid Daahir Aadan kula dardaarmay dardargelinta shaqooyinka xafiiska howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles