Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 30-ka September 2026 u muddeysay in la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay.
Doorashooyinkan ayaa noqonaya wejigii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Dowlad-goboleedyada, iyadoo haddii ay qabsoomaan la filayo in lagu soo afjaro hannaanka doorashooyinka maamul-goboleedyada dalka.
Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa haatan ku jira marxaladda diyaar-garowga doorashooyinka, waxaana la filayaa in hay’adaha ay khuseyso ay dardargeliyaan howlaha la xiriira diyaarinta iyo qabashada doorashooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, su’aalo iyo shaki ayaa ka dhashay go’aanka guddiga ee ah in doorashooyinka labada maamul lagu qabto hal maalin, iyadoo aan si cad loo shaacin sababta keentay in 30-ka September loo asteeyo labada doorasho.
Qaar ka mid ah dadka siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka ka hadla ayaa walaac ka muujiyay hufnaanta iyo daahfurnaanta hannaanka, gaar ahaan maadaama guddiga doorashooyinka uu yahay guddi ay dhinacyo siyaasadeed horey uga keeneen doodo iyo muran.
Dadka dhaliilaya hannaanka ayaa isweydiinaya sida loo xaqiijin karo doorasho xor iyo xalaal ah, haddii ay jiraan eedeymo sheegaya in natiijada doorashada horay loo sii ogaan karo, halka guddiga hadda loo xilsaaray qabashada doorashooyinka uu yahay mid lagu muransan yahay.
Si kastaba, weli ma cadda sida ay dhinacyada siyaasadeed iyo maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle uga falcelin doonaan jadwalkan cusub iyo in 30-ka September ay noqon doonto taariikhda ugu dambeysa ee doorashooyinka labada maamul.


