Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ay gaareen is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan waqtiga iyo hannaanka lagu qabanayo doorashada federaalka, iyadoo la filayo in doorashadu dhacdo muddo 7 bilood gudahood ah.
Wadahadallo u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhasheen is-faham ku saabsan sidii dalka loogu diyaarin lahaa doorasho federaal ah oo ay dhinacyadu isla oggol yihiin.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka ay mabda’ ahaan aqbashay soo-jeedin doorasho oo ay mucaaradku soo gudbiyeen, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wax ka beddelay hab-qoraalka iyo qeexidda qaar ka mid ah qodobadii soo-jeedinta.
Qodobada muhiimka ah ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah in shacabka ay si toos ah u doortaan xildhibaannada, iyadoo sidoo kale muddada kala-guurka lagu ilaalinayo nidaamka awood-qaybsiga 4.5.
Sidoo kale, waxaa la isla soo hadal qaaday dhismaha hannaan doorasho oo ay dhammaan dhinacyada siyaasadeed ku wada kalsoon yihiin, si loo yareeyo khilaafaadka siyaasadeed loona helo doorasho loo dhan yahay.
Haddii is-afgaradkan hordhaca ah uu u gudbo heshiis rasmi ah, wuxuu noqon karaa tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa hannaanka iyo waqtiga doorashada federaalka.


