Dowlada Soomaaliya oo dalka ka mamnuucdey Daawooyin halis ku ah Bulshada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa sheegay inay dalka mamnuuc ka tahay in la soo geliyo Daawooyinka loo isticmaalo daroogo ahaanta ee maanka dooriya.

Wasiirka ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada doowooyinkaas iney ka waan toobaan, isagoona ku hanjabay in talaabooyin adag ka qaadi doonto Xukuumada dadka Ganacsatada ah ee daawooyinka maanka dooriya dalka soo galiya.

“Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay dad ganacsato ah dalka keenayeen, ha ogaadaan dadkaas in daawoyinkaas lagu qaban doono dekada iyo garoonka, waxaan leyahay ka waan tooba arintaas oo dhib ha u horseedina dadkiina” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya in Xukuumadda ay ka go’an tahay wax ka qabashada daawoyinka si guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed dalka u soo galiyaan ee bilaa tayada ah.

“Waan ognahay in daawoyin tayadooda yar tahay in dalka la keeno oo ganacsatada tagaan shirkadaha daawoyinka sameeya ee dibada ku yaala, waxaan diyaarinay habraac daawoyinkaas lagu saxayo oo lagu kontarolayo daawo kasta oo dalka soo gasha, Xukuumadda bishii janaayo ayay ansixisay hadana Baarlamaanka ayuu horyaala habraas, ayagana wan rajeyna iney meel marin doonaan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Xasan.

Ugu dambeyntii hadalka Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ayaa kusoo aadaya, iyadoo Soomaaliya la sheego iney ka mid tahay dalalka ugu liita dhinaca caafimaadka, maadama aysan jirin Koontorool rasmi ah oo lagu sameeyo Dawooyinka la keenayo dalka oo ay soo sameystaan dad ganacsato.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles