Dowladda Imaaraat-ka oo hay’adda SoDMA ku wareejisay 700 Ton oo raashiin ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi kala wareegay deeq raashin ah oo gaaraysa 700 oo ton, kaas oo loogu tala galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Hay’adda SoDMA oo xoojineysa dadaallada looga hortagayo saameynta khtaraha ka dhalan kara abaaraha ayaa 300 oo ton oo deeqdaan qeyb ka ah u gudbisay magaalada Kismaayo, halka 200 oo ton la geeyay magaalada Boosaaso. Gargaarkaan ayaa deg-deg loo gaarsiin doonaa dadka loogu tala-galay ee ku dhaqan magaalooyinkaan iyo degaanna ku xeeran.

Sidoo kale, 200 oo ton oo loogu tala galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhulka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir ayaa la dhigay bakhaarrada Hay’adda.

Guddoomiyaha Hay’adda, Maxamuud Macallin ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles