Saturday, June 14, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka dalka Turkiga U fadhiya somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay maanta Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, iyaga oo kawada hadlay arrimo la xariira horumarinta Caasimadda.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee xafiiska Duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta wada shaqeynta labada xafiis, horumarinta mashaariicda ay Dowladda Turkiga ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato dib udhiska iyo bilicda Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, Tababarada farsamada gacanta, Dib u hagaajinta bulaacadaha biya mareenka ah iyo Dib u cusbooneysiinta heshiisyadii iskaashiga ahaa ee horey u jiray.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday isaga oo intaa kadib balan qaaday in lasii horumarin doono wada shaqeynta labada dhinac iyo howlaha lagu taageerayo horumarinta Caasimadda JFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda sida ay marwalba u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda islamarkaana ay uga qeyb qaataan taageeradooda la xariira mashaariicda horumarineed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles