Lubnaan oo wiilka Sheekh al-Qaradawi u gacan gelinaysa Imaaraadka

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay Talaadadii in ay go’aansatay in ay aqbasho codsi uga yimid Imaaraadka oo ku aadan in loo gacan geliyo Abdul Rahman al-Qaradawi, oo ka mid ah mucaaradka Masar, islamarkaana uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ee kooxda Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi.

Qaradaawi, oo sidoo kale ay baadi goobayaan mas’uuliyiinta Masar, ayaa lagu xiray Lubnaan dabayaaqadii bishii hore, kaddib markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, sida uu xilligaas AFP u sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan.

Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Qaradaawi “loo masaafurin doono Imaaraadka”, isagoo intaa ku daray in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen golaha wasiirrada.

Sida laga soo xigtay sarkaalka labaad ee garsoorka, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale.

Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar”.

Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla.

Qaradaawi, oo sidoo kale ah abwaan, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba.

Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar.

Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta.

Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles