Dowladda iyo mucaaradka oo isla gartay in dib loo dhigo banaanbaxii maanta ka dhici lahaa Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dib loo dhigay bannaanbax la qorsheeyay inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho kaa oo ay Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Dowladda ay ka heshiiyeen.

Dhinacyada Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in banaanbaxa dib loo dhigay uu ku qabsoomo 10-ka maalmood ee soo socda, waxaana dib udhaca ku keenay ay ahayd sababo la xiriira arrimo amni oo ka dhashay weerarkii dhawaan ka dhacay saldhigga Godka Jilacow.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in go’aankan uu yimid kadib markii ay yeesheen kulan wadajir ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, guddigii dhex-dhexaadinta ee mucaaradka iyo dowladda, iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha ammaanka sida Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la sameeyo guddiyo farsamo oo si wadajir ah uga shaqeeya abaabulka bannaanbaxa si nabad ah u dhaca.

“Waxaan isla qaadanay in la dhiso hannaan amni iyo isfahan ku saleysan si shacabka u banaanbaxaya aysan u la kulmin wax dhibaato ah, dowladda na waxaa laga sugayaa in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Bannaanbaxa dib loo dhigay ayaa markii hore loogu talagalay in lagu muujiyo sida mucaaradku uga soo horjeedo barakicinta dadka shacabka ah ee ku noolaa dhulal ay dowladdu leedahay, kuwaas oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles