Sunday, February 9, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Geerida Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Kabtan Axmed Xaaji Cilmi Guure oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Somali Airlines, isla markaana ahaa aasaasihii shakabadda wararka Hiiraan Online, oo xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorkii uu marxuumku ka soo qaatay horumarinta Afka Soomaaliga iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen warar ku saleysan xaqiiq, xilli dalku ku jiray marxalad adag, isaga oo ku tilmaamay shaqsi howlkar ah, dhex-dhexaad ahaa, una taagnaa horumarka dalkiisa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Duuliye Axmad Xaaji Cilmi Guure waxa uu ahaa baylood, saxafi iyo samafale ka shaqeeya waxtarka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, waxaana murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxay Marxuumka.

Mudane Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo bahda saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles