Duqa muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda UNOPS ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda dib-u-dhiska waddooyinka caasimadda iyo hirgelinta biyo-mareenno tayo leh, si xal waara loogu helo daadadka, biyo-fadhiisiga iyo caqabadaha ka jira waddooyinka.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen shirkadaha ka shaqeeya dhismaha kaabayaasha, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo guul ka timaadda dhismaha waddooyinka iyo biyo-mareennada, maadaama caqabadahaasi yihiin kuwa ugu weyn ee haysta bulshada caasimadda.

Madaxa UNOPS ee Soomaaliya, Mudane Ala’s Namer, ayaa tilmaamay in hawlgalkoodu uu san ku ekeyn dhismaha kaliya, balse ay xooga saarayaan gudbinta karaanka iyo aqoonta dhanka dhismaha kaabayaasha, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo ku filan hirgelinta iyo maaraynta kaabayaasha dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles