Duqeymo ka Dhacay Gobolada Sh/Hoose iyo Jubbada dhexe

Sida ay sheegayaan Wararka duqeymo is xig xigay ayaa waxaa lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka ka tirsanaa Al-shabaab.

Duqeymaha ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhaceen deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Jubada Dhexe.

Mid ka mid ah duqeymaha ayaa la sheegay in lagu garaacay goob ku dhow Tuulada Dhayow ee degmada Sablaale, halkaas oo wararku tilmaamayaan inay ahayd xarun lagu farsameeyo laguna keydiyo walxaha qarxa.

Waxaa la sheegay in goobta lagu burburiyay kayd weyn oo walxaha qarxa ah, iyadoo sidoo kale lagu dilay xubno lagu tilmaamay inay khubaro u ahaayeen qaraxyada.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay Aadan Murow, Macallin Asad, Macallin Salaad oo la sheegay inuu Suudaani yahay iyo Abu Zakariye Al-Nucaymi oo la sheegay inuu Yemeni yahay.

Sidoo kale Duqeyn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday agagaarka Bu’aale, gaar ahaan meel qiyaastii 10 KM u jirta degmada dhanka wabiga, waxaana la sheegay in goobta ay aheyd xarun lagu tababaro xubno ajaaniib ah.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in duqeynta lagu dilay xubno badan oo ajaaniib ah, waxaana ka mid ahaa, sida la sheegay, hoggaamiyahooda Sheekh Abu Muxsin oo la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Jaad.

Wararka kale waxay sheegayaan in duqeyn laga fuliyay Jilib, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob ay kulan ku lahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan dhinaca militariga Al-shabaab.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in khasaaraha halkaasi gaaray in ka badan 30 sarkaal,

Duqeyn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday gudaha Bu’aale, iyadoo bartilmaameedku ahaa xarun caafimaad oo la xiriirta Al-Shabaab

Sidoo kale duqeyn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday meel u dhow deegaanka Xaramka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in goobtaasi ahayd xarun lagu tababaro xubno ku saabsan isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaa goobta la sheegay in lagu burburiyay saddex drone oo la sheegay inay kasoo jeedeen Yemen, halka khasaaraha dhimashadana lagu qiyaasay 17 sarkaal.

WARARKII KALE

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Iran oo ka wadahadlay arrinta Badda Cas

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wadahadallo la yeeshay...

CiidankaYemen ayaa sheegtay inay khasaare culus gaarsiiyeen ku gaasiiyeen Xuutiyiinta Makha iyo Dhabab

Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee dowladda Yemen...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles