Thursday, September 18, 2025

Duqeyn Cirka ah oo AFRICOM ka Fulisay Biyaha Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay gudaha biyaha Soomaaliya, iyagoo beegsaday doon weyn oo aan calan wadan iyo doon kale oo yar oo la socotay. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday AFRICOM, doomahaasi waxaa saarnaa hub casri ah oo si sharci darro ah loo soo gelinayay dalka, kuna wajahnaa kooxda Al-Shabaab.

AFRICOM waxay caddeeysay in weerarkan uu ahaa mid muhiim ah oo lagu xakameynayo khatarta kasoo fool leh Al-Shabaab, isla markaana lagula dagaalamayo isku dayada lagu horumarinayo awoodooda ciidan. “Waxaan beegsanay hub casri ah oo loogu talagalay AS, taasoo ahayd tallaabo muhiim ah oo ka qeyb qaadaneysa yareynta khatarta ay kooxdani ku hayso ammaanka gobolka,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyay kadib howlgalka ayaa muujisay in aysan jirin wax khasaare rayid ah oo ka dhashay duqeynta, iyadoo AFRICOM ay xustay inay si weyn uga taxadartay ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Inkasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli si rasmi ah uga hadlin howlgalka, hadana Africom ayaa sheegtay in weerarka si wadajir ah loo fuliyeen.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kaasoo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ah urur argagixiso oo ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay si rasmi ah u magacaabeen.

WARARKII KALE

Ruushka oo ku faanay in uu horumar ka sameeyay dagaalka Ukraine

Sarkaal sare oo Ruushiyan ah ayaa booqday meelo ay...

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles