Sunday, February 15, 2026

Duqeyn Cirka ah oo AFRICOM ka Fulisay Biyaha Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay gudaha biyaha Soomaaliya, iyagoo beegsaday doon weyn oo aan calan wadan iyo doon kale oo yar oo la socotay. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday AFRICOM, doomahaasi waxaa saarnaa hub casri ah oo si sharci darro ah loo soo gelinayay dalka, kuna wajahnaa kooxda Al-Shabaab.

AFRICOM waxay caddeeysay in weerarkan uu ahaa mid muhiim ah oo lagu xakameynayo khatarta kasoo fool leh Al-Shabaab, isla markaana lagula dagaalamayo isku dayada lagu horumarinayo awoodooda ciidan. “Waxaan beegsanay hub casri ah oo loogu talagalay AS, taasoo ahayd tallaabo muhiim ah oo ka qeyb qaadaneysa yareynta khatarta ay kooxdani ku hayso ammaanka gobolka,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyay kadib howlgalka ayaa muujisay in aysan jirin wax khasaare rayid ah oo ka dhashay duqeynta, iyadoo AFRICOM ay xustay inay si weyn uga taxadartay ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Inkasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli si rasmi ah uga hadlin howlgalka, hadana Africom ayaa sheegtay in weerarka si wadajir ah loo fuliyeen.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kaasoo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ah urur argagixiso oo ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay si rasmi ah u magacaabeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya

Shir.madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay...

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles