Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay qarax miino, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee soo boodada ah ayaa ka dhacay maqaayad yar oo laga cabo shaaha, taas oo ku taalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Masjidka Muumino Ceelbuur.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay qaraxa, halka saddex qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Ninka geeriyooday ayaa la sheegay inuu marayey meel u dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale ah meel u dhaw bar-koontarool ay ciidamada ammaanku ku baaraan gaadiidka, taas oo keentay in ciidamada si degdeg ah u gaaraan aagga, iyagoo xiray goobta islamarkaana bilaabay baaritaanno.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad amni oo isbedel ku yimid, iyadoo la dareemayo mararka qaar degganaansho, balse weli ay jiraan falal lid ku ah nabadgelyada guud ee caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles