Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay qarax miino, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee soo boodada ah ayaa ka dhacay maqaayad yar oo laga cabo shaaha, taas oo ku taalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Masjidka Muumino Ceelbuur.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay qaraxa, halka saddex qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Ninka geeriyooday ayaa la sheegay inuu marayey meel u dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale ah meel u dhaw bar-koontarool ay ciidamada ammaanku ku baaraan gaadiidka, taas oo keentay in ciidamada si degdeg ah u gaaraan aagga, iyagoo xiray goobta islamarkaana bilaabay baaritaanno.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad amni oo isbedel ku yimid, iyadoo la dareemayo mararka qaar degganaansho, balse weli ay jiraan falal lid ku ah nabadgelyada guud ee caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles