Duqeyn Culus oo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo

Duqeyn dhanka cirka ah ayaa xalay laga fuliyey deegaanka Naaxiyow, oo hoostaga Dolondoola, halkaas oo lagu beegsaday saldhig muhiim ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Sida ay sheegayaan ilo dhinaca amniga ah, goobta la duqeeyey ayaa la sheegay inay ahayd xarun ay kooxda Al-Shabaab u adeegsanaysay abaabulka iyo diyaarinta weerarro ka dhan ah fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

Ilo amni ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka cirka lagu burburiyey gaari dagaal oo ay kooxda lahayd, iyadoo sidoo kale la soo wariyey in duqeynta lagu gaarsiiyey Al-Shabaab khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaaraha iyo cidda fulisay duqeynta ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, hase yeeshee ilo amni ayaa sheegay inay dhowaan soo bixi doonaan faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan natiijada howlgalka.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda ay xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ilaalinta fariisimaha ciidamada ee duleedka Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles