Israa’iil ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas, kaddib hawlgal gaar ah oo ay ciidamadeedu ka fuliyeen magaalada Gaza.
Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in ninkan, oo lagu eedeeyay inuu madax ka yahay waaxda amniga gudaha ee Xamaas, la qabtay. Warbixinno ayaa ninka la qabtay magaciisa ku shegay Muin al-Arabid.
Hase yeeshee, Xamaas ayaa sheegtay in ciidamo gaar ah oo Israa’iil ah la ogaaday imaatinkooda intii uu socday hawlgalku, taasina ay ku qasabtay inay isaga baxaan goobta.
Kaddib, Israa’iil ayaa duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah ka fulisay deegaanka, iyadoo saraakiisha Gaza ay sheegeen in ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay. Dad kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarrada.
Qaar ka mid ah warbaahinta Israa’iil ayaa sheegay in hawlgalkan laga yaabo inuu fuliyay maleeshiyaad Falastiini ah oo Israa’iil ay taageerto, kuwaas oo ka hawlgala goobo ay Israel maamusho.


