Saturday, March 14, 2026

Duqeyn ka dhacday G/Sh/Dhexe iyo wararkii ugu dambeeyay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin degmada Al-Kowthar ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Wararkka ayaa sheegaya in  duqeynta lagu dilay maleeshiyaadka iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, sida ay sheegeen  dadka deegaanka.

Warar hor u dhac ah oo la helay ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay Hor-jooge ka tirsanaa Maleeshiyadda Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Biyoow Gaafoow iyo Ciidamo oo la socday oo uu meel fagaare ah uu kula hadlayay, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiso khasaaraha ka dhashay duqeymaha ka dhacay degmada Al-Kowther ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay duqeymo culus oo lala beegsanayo meelaha ay ku dhuumaaleysteen kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles