Wednesday, July 30, 2025

Duqeyn lala beegsaday godad ay Daacish ku lahaayeen G/Bari

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn culus ka fuliyay meel u dhow Togga Miraale ee gobolka Bari, halkaas oo ay u firxadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish kadib markii ay ciidamada Puntland si buuxda ula wareegeen toggaasi.

Weerarka yaa ka dhacay inta u dhexeysa Togaga Balaade iyo Miiraale ee Gobolka Bari.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha hore ayaa sheegay in ay maqleen jug xooggan oo ka dhacday dhanka koonfureed ee Miraale, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay u firxadeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish kuwaasoo laga saaray saldhigyadii muhiimka ahaa iyo ceelashii ay ku lahaayeen Togga Miraale.

Taliska u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay duqeynta Mareykanku ay fuliyeen, isagoo xusay in beegsiga lagu bartilmaameedsaday firxadkii kooxda Daacish ee ku sii jeeday buuraleyda Calmiskaad.

“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa duqeeyay 4 meelood oo ku yaalla inta u dhexeysa Togagga Baalade iyo Miiraale, waxaa la beegsaday firxadkii Argagixisada oo sii gelaya Godad ay ku dhuumanayeen.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma sheegin taliska tirade xubnaha Daacish ee weerarka lagu dilay.

Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya sida Mareykanka ayaa hore dhowr jeer duqeymo uga fuliyay deegaanno ka tirsan buuraleyda gobolka Bari oo uu ka socdo dagaalka ciidamada Punland iyo Daacish.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles