Kenya oo sheegtay in ay weerar ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Ugu yaraan afar dagaalame oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay deegaanada Najo iyo Guracho ee magaalada Garissa, sida uu qoray wargeyska The Star ee Kenya.

Booliiska ayaa sheegay in laga soo qabtay hub ay ka mid yihiin laba qori AK-47 ah, hal qori weyn oo PKM ah, rasaas fara badan, iyo qalab isgaarsiineed oo ay wateen raggii la dilay.

Wararka booliisku soo saaray ayaa tilmaamaya in afartaasi ay baacsanayeen aagga iyagoo qorsheynayay weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo xarumaha dowladda, balse ay ciidamada gaar ah ee Kenya Special Operations Group (SOG) u dhigeen dabin kadib markii ay saacado la socdeen dhaqdhaqaaqooda.

Sida la sheegay, argagixisada waxaa markii hore arkay drone kormeer ah, kadibna unugyada ciidamada ayaa daba socday ilaa ay ku weerareen, taasoo sababtay iska horimaad culus oo ay ku dhinteen dhammaan afartii.

Booliiska ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay guul kale oo muhiim ah oo qayb ka ah hawlgallo isku xiran oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

Deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa loo arkaa meel ay Al-Shabaab si fudud uga gudubto xuduudda Soomaaliya, si ay weerarro uga fuliyaan gudaha Kenya. Kooxdu waxay dhigtay waxyaabaha qarxa waddooyinka waaweyn, waxayna beegsadaan saldhigyada amniga.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya, iyagoo bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada dalkaasi.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles