Monday, August 10, 2026

Kenya oo sheegtay in ay weerar ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Ugu yaraan afar dagaalame oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay deegaanada Najo iyo Guracho ee magaalada Garissa, sida uu qoray wargeyska The Star ee Kenya.

Booliiska ayaa sheegay in laga soo qabtay hub ay ka mid yihiin laba qori AK-47 ah, hal qori weyn oo PKM ah, rasaas fara badan, iyo qalab isgaarsiineed oo ay wateen raggii la dilay.

Wararka booliisku soo saaray ayaa tilmaamaya in afartaasi ay baacsanayeen aagga iyagoo qorsheynayay weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo xarumaha dowladda, balse ay ciidamada gaar ah ee Kenya Special Operations Group (SOG) u dhigeen dabin kadib markii ay saacado la socdeen dhaqdhaqaaqooda.

Sida la sheegay, argagixisada waxaa markii hore arkay drone kormeer ah, kadibna unugyada ciidamada ayaa daba socday ilaa ay ku weerareen, taasoo sababtay iska horimaad culus oo ay ku dhinteen dhammaan afartii.

Booliiska ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay guul kale oo muhiim ah oo qayb ka ah hawlgallo isku xiran oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

Deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa loo arkaa meel ay Al-Shabaab si fudud uga gudubto xuduudda Soomaaliya, si ay weerarro uga fuliyaan gudaha Kenya. Kooxdu waxay dhigtay waxyaabaha qarxa waddooyinka waaweyn, waxayna beegsadaan saldhigyada amniga.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya, iyagoo bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada dalkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles