Duqeyn lala beegsaday godad ay Daacish ku lahaayeen G/Bari

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn culus ka fuliyay meel u dhow Togga Miraale ee gobolka Bari, halkaas oo ay u firxadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish kadib markii ay ciidamada Puntland si buuxda ula wareegeen toggaasi.

Weerarka yaa ka dhacay inta u dhexeysa Togaga Balaade iyo Miiraale ee Gobolka Bari.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha hore ayaa sheegay in ay maqleen jug xooggan oo ka dhacday dhanka koonfureed ee Miraale, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay u firxadeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish kuwaasoo laga saaray saldhigyadii muhiimka ahaa iyo ceelashii ay ku lahaayeen Togga Miraale.

Taliska u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay duqeynta Mareykanku ay fuliyeen, isagoo xusay in beegsiga lagu bartilmaameedsaday firxadkii kooxda Daacish ee ku sii jeeday buuraleyda Calmiskaad.

“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa duqeeyay 4 meelood oo ku yaalla inta u dhexeysa Togagga Baalade iyo Miiraale, waxaa la beegsaday firxadkii Argagixisada oo sii gelaya Godad ay ku dhuumanayeen.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma sheegin taliska tirade xubnaha Daacish ee weerarka lagu dilay.

Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya sida Mareykanka ayaa hore dhowr jeer duqeymo uga fuliyay deegaanno ka tirsan buuraleyda gobolka Bari oo uu ka socdo dagaalka ciidamada Punland iyo Daacish.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles