Wednesday, October 22, 2025

Faah faahin ka soo baxaysa weerar dalxiisayaal lagu laayay oo ka dhacay dalka Hindiya

Ugu yaraan labaatameeyo qof ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen koox dalxiisayaal oo booqanayay goob qurux badan oo ku taal Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, sida ay mas’uuliyiintu u sheegeen Warbaahinta.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Pahalgam, oo ah magaalo qurux badan oo ku taal buuraha Himalayas oo inta badan lagu tilmaamo “Switzerland-ta Hindiya”.

Madaxa gobolkaas, Cumar Cabdallah, ayaa sheegay in weerarku uu ” aad uga weynaa weeraradii ay arki jireen oo si toos ah loogu beegsan jiray rayidka sanadihii la soo dhaafay”. Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo qaarkood ay xaaladoodu liidato.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxa Midowga Yurub Ursula Von der Leyen ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha caalamka ee cambaareeyay weerarka.

“Warar murugo leh ayaa ka soo baxaya Kashmir. Mareykanka wuxuu si adag u garab taaganyahay Hindiya ka hortagga argagixisada,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

Von der Leyen ayaa weerarka Kashmiir ku tilmaantay “weerar argagaxiso oo xun”, halka Putin uu diray “tacsi ” kuna tilmaamay falkaan “dambi arxan darro ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi – oo soo gaabiyay safar uu ku joogay Sacuudi Carabiya ka dib weerarka – ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay “la horkeeni doono sharciga”.

“Go’aankayaga ku aaddan la dagaalanka argagixisanimada waa mid aan la badeli karin, wuun sii xoogaysanayaa,” Modi ayaa sidaasi ku daabacay barta, X.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin waxaa ka socday kacdoono tan iyo sannadkii 1989-kii, inkastoo sannadihii u dambeeyay ay sii yaraanayeen rabshaduhu.

XIGASHO BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray qaar ka mid ah hay’adaha dowladda

R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane...

Tababar sare oo bahda Cadaaladda uga furmay Nairobi

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha...

Galmudug oo mamnuucday in dekeda Hobyo laga soo dejiyo gaadiidka Ciidamada

Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay inay mamnuuc tahay...

NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay iyada oo kaashanaysa saaxiibada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles