Diyaarad siday 12 qof ayaa ku burburtay degmada Kwale ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.
Agaasimaha guud ee hayadda duulista rayidka ee Kenya Emile Arao, ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo lambarkeedu ahaa 5Y-CCA, ayna siday dad dalxiis u socday oo ku sii jeeday Kichwa Tembo oo ka tirsan gobolka Maasai Mara, iyadoo ka timid Diani ka hor inta aysan dhicin.
Waxaa dhintay dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda oo ahaa 12 qof, waxayna ahaayeen dad dalxiis ugu jeeday Maasai Mara oo inta badan loo dalxiis tego.
Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo gubaneysa.
Weli lama oga halka ama waddamada ay ka soo kala jeedaan, balse dhamaantood waxay ahaayeen dad ajnabi ah oo dalxiis u yimid.
Lama oga sababta ka dambeysay shilkan, waxaana durba goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa
booliska iyo kuwa gurmadka deg degga ah.


