Deni oo kala diray maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kala diray maxkamada ciidamada qalabka sida iyi dembiyada cuus ee Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Saciid Deni ayaa u qorneed sidan:-

Garoowe: 28 October 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirid Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta Guddoonka iyo Xafiiska Xeer – ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa la kala diray Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.
  2. Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee Dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus
  3. Saraakiishii hore ee Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles