Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad siday dalxiisayaal oo ku burburtay Kenya

Diyaarad siday 12 qof ayaa ku burburtay degmada Kwale ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Agaasimaha guud ee hayadda duulista rayidka ee Kenya Emile Arao, ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo lambarkeedu ahaa 5Y-CCA, ayna siday dad dalxiis u socday oo ku sii jeeday Kichwa Tembo oo ka tirsan gobolka Maasai Mara, iyadoo ka timid Diani ka hor inta aysan dhicin.

Waxaa dhintay dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda oo ahaa 12 qof, waxayna ahaayeen dad dalxiis ugu jeeday Maasai Mara oo inta badan loo dalxiis tego.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo gubaneysa.

Weli lama oga halka ama waddamada ay ka soo kala jeedaan, balse dhamaantood waxay ahaayeen dad ajnabi ah oo dalxiis u yimid.

Lama oga sababta ka dambeysay shilkan, waxaana durba goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa

booliska iyo kuwa gurmadka deg degga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles