Farmaajo iyo Shariif oo kulan ka yeeshay xaaladda siyaasadda

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa xalay yeeshay kulan muhiim ah oo muddo saacado ah socday, kaasoo ay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay arrimo muhiim ah, waxaana labada hoggaamiye ay isku raaceen in ay ka hortagaan muddo-kororsi ay ku talo jirto xukuumadda DFS. Farmaajo iyo Shariif ayaa ku ballamay inay si wadajir ah u qabtaan dadaallo lagu xaqiijinayo doorasho-heshiis lagu gaaro, oo lagu qabto waqtigeeda si dalka looga fogaado dhibaatooyin dheeraad ah.

Mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qorsheynaya in ay shirweyne weyn ka qabtaan Garoowe bartamaha bisha April. Shirkan ayaa ah mid ay ka qeyb geli doonaan Puntland iyo Jubbaland, iyadoo labada maamul ee kala ah Puntland iyo Jubbaland ay bilaabi doonaan ololayaal doorasho ka dhan ah DFS.

Sidoo kale, dowlad goboleedyada Koonfurgalbeed iyo Galmudug ayaa si adag uga soo horjeeda dhamaystirka Dastuurka JFS, iyaga oo doorbidaya in doorashooyin madax-bannaan ay qaataan.

Arrimahan ayaa xiiso gaar ah u leh siyaasadda Soomaaliya, iyadoo xaaladdu ay tahay mid xasaasi ah, waxaana la rajeynayaa in kulamadan dheeraadka ah ay gacan ka geystaan xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles