Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidleyda bajaajka ee magaalada Mogadishu, kuwaas oo maanta si nabad ah u soo bandhigayay cabashadooda ku aaddan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee adag.
Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysta xaaladaha adag ay mudan yihiin in la garab istaago, isla markaana laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.
Wuxuu dowladda ugu baaqay inay ka waantoowdo waxa uu ku tilmaamay cabburinta, xadgudubka iyo xarigga lagu hayo dadka cabashadooda muujinaya.
Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa dowladda ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dhallinyarada loo xiray cabashadooda, isagoo xusay in xuquuqda ay ku doodayaanna ay dammaanad qaadayaan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyay in aysan ka niyad jabin hammigooda iyo aaminaadda ay u qabaan dalkooda.


