Monday, September 1, 2025

Farmaajo oo ka digay in la dacaayadeeyo ciidamada xoogga ee dagaalka kula jiro Al-shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay dacaayado uu ku tilmaamay kuwo raqiis ah oo ay faafinayaan kooxaha argagixisada, kuwaas oo lagu wiiqayo sumcadda iyo kalsoonida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. sida uu ku sheegay qoraal soo saaray.

Farmaajo ayaa sheegay in wararka lagu sheegayo in guuldarrooyin la gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka aysan wax sal iyo raad ah lahayn, isagoo caddeeyay in ka bixitaanka ciidanka ee magaalooyinka qaar uu yahay istiraatiijiyad dagaal, oo aan micnaheedu ahayn in ciidanku jab ku dhacay.

โ€œShacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah,โ€ ayuu yiri Madaxweynihii hore. โ€œCiidamadu waxay u dagaalamayaan si ay u sugaan amniga shacabka iyo qarannimada, waana waajib in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan, hiil iyo hoo.โ€

Sidoo kale Farmaajo oo lagu dowladiisa lagu eedeeyo inaysan dagaal toos ah la gelin ALshabaab intii uu xukunka hayay ayaa isku difaacay: intii u dhaxaysay sannadihii 2018 ilaa 2020-kii, ciidamada dowlada xoreeyeen magaalooyinka Marko, Jannaale, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole.

Isagoo la hadlayay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, ayuu Farmaajo ugu baaqay in si dhab ah loo hormariyo danta guud, xasilloonida siyaasadeed, midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyo dhameystirka hannaanka dastuurka iyo doorasho lagu wada heshiisan yahay.

Farmaajo ayaa muddooyinkan danbe qaatay mowqif siyaasadeed oo u gaara, wuxuuna aragti ahaan ka leexday siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Sheekh Shariif, Xasan khayre iyo musharixiinta kale ee xilka Madaxweynaha oo sida weyn u dhaliila siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Farmaajo wuxuu mararka qaar taageero siyaasadeed La garab istaagay Madaxweyne Xasan Sheekh.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles