Thursday, March 12, 2026

Farmaajo oo madaxda ugu sareysa dowlada ugu baaqay in aan dalka la galin hubanti la’aan siyaasadeed

Dalkeennu wuxuu galay marxalad siyaasaddeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan oo horseedi kara dib u dhac siyaasadeed, dhaawac gaara wadajirka dalka iyo qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga dalka.

Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay’adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay.

Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo guddiyada doorashada waa hannaan ka dhexeeya hay’adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda, waana arrin tiir dhexaad u ah siyaasad loo dhan yahay, sidaas darteed in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waa tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.

Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas’uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud.

Haddaba annagoo maanka ku hayna arrimahaas masiiriga ah ee aan kor ku xusnay, waxaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu talada dhexda dhigo, horseedna uusan u noqon in dalku uu kala tago iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ku dhammaan karta qalalaase iyo dib u dhac qaran.

Sidoo kale, waxaan Dowlad Goboleedyadda, madaxdii hore ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka ugu baaqayaa in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaalada siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado hubinti la’aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.

Ugu dambayn, qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, sida culimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo ururrada bulshada rayidka waxaan ku boorrinayaa inay ka qaataan dowrka ay ku leeyihiin ilaalinta wadajirka dalka iyo sidii lagu gaari lahaa xasillooni siyaasaddeed.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles