Saturday, June 14, 2025

Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo lagu dilay Qarax lagula beegsaday Gobalka Bari

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degaanka Tasjiic ee Gobolka Bari. Wararka ugu dambeeyay ee kasoo baxay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay ilaa lix Askari oo ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland. Sida ay sheegayaan wararku, ciidanka Puntland oo watay gaadiid dagaal ayaa marayay degaankaasi, waxaana miinada ay haleeshay mid ka mid ah gaadiidkii ay saarnaayeen.

Gaadiidka miinadu la kacday ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, iyadoo 6 askari ay ku dhinteen, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Puntland ee la beegsaday ayaa u baxay howlgallo baacsi ah oo ka dhan ah dagaalamayaasha Daacish, kuwaas oo dhowaanahanba si aad ah uga howlgala gobolka Bari. Xaaladdu waxay noqotay mid kacsan, maadaama Daacish ay dagaal ba’an kula jiraan ciidanka ammaanka Puntland, waxaana dhanka kale Puntland ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay ka dhabeysay weerar lagu qaaday buuraleyda gobolka Bari, taas oo ay ku dishay tiro badan oo ka tirsan Daacish.

Puntland waxay sheegtay inay ku guuleysatay in ay dishay xubno badan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan dagaalyahanno ajaanib ah oo ka yimid dalalka Carabta iyo qaar ka mid ah wadamada Afrika. Kuwaas oo u dagaalamayay Daacish si ay u fuliyaan hawlgallada kooxdaas.

Inkastoo ciidanka Puntland ay ku howlan yihiin hawlgallo sii socda oo ka dhan ah Daacish, weli saraakiisha ammaanka Puntland wax war ah kama soo saarin qaraxa maanta lala beegsaday ciidamada, taas oo muujinaysa sida ay xaaladdu u tahay mid weli kacsan oo adag.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ay ka wadaan gobolka Bari, iyaga oo ku adkeysanaya in aysan ka dhaadhicin doonin dagaalamayaasha Daacish, isla markaana aysan jirin wax hakin ah oo lagu sameeyo hawlgalladaas ilaa iyo inta kooxdaas laga saarayo Gobalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles