Booliiska magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa xabsiga dhigay nin lala xiriinayo in uu minddi ku weeraray Jilaaga caanka ah ee Bollywood-ka Sayf Cali Khaan. Khaan waa mid ka mid ah xidigaha ugu caansan Hindiya, iyadoo dhawaan la geliyay mindi kadib markii gurigiisa lagu weerarary.
Weerarka Jilaaga lagu qaaday ayaa taageerayaashiisu aad uga naxeen, waxaana wararku sheegayaan in hadda uu soo kabanayo kadib qalliin lagu sameeyay.
Axaddii booliiska ayaa sheegay in ay xireen ninka shakiga badan laga qabo oo lagu magacaabo Maxamed Shariif Islaam.
Booliiska ayaa intaa ku daray in ninkaan uu yahay muwaadin u dhashay dalka Bangladesh kaasoo si sharci darro ah ku jooga dalkaas. Qareenka ninkaan la qabtay ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay ee ah inuu Sayf Cali Khaan weeraray.