Gantaalo lagu weeraray Israa’iil iyo qaraxyo xooggan oo la maqlay

Kooxda Xuutiyiinta ah ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen, ayaa goordhaw tiro gantaalo ah waxa ay ku weerareen gudaha Israa’iil, waxaana magaalooyin kamid ah Israa’iil laga maqlay dhawaqyada qaraxyo ka dhashay gantaalada.

Seyriga ka diga gantaalada ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Israa’iil, waxa ayna dadku bilaabeen kala carar iyaga oo soo xasuustay weeraradii Iran, waxaana la sheegay in gantaalada qaar ka gudbeen nidaamka difaaca ee Israa’iil.

Raadiyaha ay leeyihiin ciidamada maamulka Israa’iil, ayaa goordhaw baahiyay in dhawaqyada qaraxyo xooggan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Beersheba,  markii ay gantaalada kooxda Xuutiyiinta soo rideen halkaasi ku dhaceen.

Weerarkan gantaalaha ay kooxda Xuutiyiinta ku weerartay Israa’iil, ayaa kusoo aadaya xilli heshiis xabbad-joojin ah lakala dhax dhigay Iran iyo Israa’iil, taa oo hakisay weeraradii cuslaa ee labada dal maalmihii lasoo dhaafay isku garaacayeen.

Xuutiyinta dalka Yemen ee taageerta Iran, ayaa horey u shaacisay in uusan waxba ka quseyn dhankooda heshiiska ay gaareen Israa’iil iyo Iran, waxa ayna xuseen in weerarooda wadayaan ilaa Israa’iil ka joojineyso xasuuqa ka socda magaalada Qasa.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles