Monday, June 8, 2026

Gantaalo lagu weeraray Israa’iil iyo qaraxyo xooggan oo la maqlay

Kooxda Xuutiyiinta ah ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen, ayaa goordhaw tiro gantaalo ah waxa ay ku weerareen gudaha Israa’iil, waxaana magaalooyin kamid ah Israa’iil laga maqlay dhawaqyada qaraxyo ka dhashay gantaalada.

Seyriga ka diga gantaalada ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Israa’iil, waxa ayna dadku bilaabeen kala carar iyaga oo soo xasuustay weeraradii Iran, waxaana la sheegay in gantaalada qaar ka gudbeen nidaamka difaaca ee Israa’iil.

Raadiyaha ay leeyihiin ciidamada maamulka Israa’iil, ayaa goordhaw baahiyay in dhawaqyada qaraxyo xooggan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Beersheba,  markii ay gantaalada kooxda Xuutiyiinta soo rideen halkaasi ku dhaceen.

Weerarkan gantaalaha ay kooxda Xuutiyiinta ku weerartay Israa’iil, ayaa kusoo aadaya xilli heshiis xabbad-joojin ah lakala dhax dhigay Iran iyo Israa’iil, taa oo hakisay weeraradii cuslaa ee labada dal maalmihii lasoo dhaafay isku garaacayeen.

Xuutiyinta dalka Yemen ee taageerta Iran, ayaa horey u shaacisay in uusan waxba ka quseyn dhankooda heshiiska ay gaareen Israa’iil iyo Iran, waxa ayna xuseen in weerarooda wadayaan ilaa Israa’iil ka joojineyso xasuuqa ka socda magaalada Qasa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles