Madaxweynaha Soomaaliland oo u ambabaxay dalka Qatar

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar ugu baxay dalka Qadar, halkaas oo uu ku sugnaan doono maalmaha soo socda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada, Madaxweyne Cirro ayaa marti-qaad ka heley dowladda dalka Qadar, waxaana ka mid ahaa weftigan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta ito Awqaafta, La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha.

War-saxaafaddeedka laga soo saaray Socdaalka Madaxweyne Cirro, waxaa kale oo lagu sheegay in muddada uu madaxweynuhu joogo magaalada Dooxa uu la kulmi doono madaxda iyo mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda Qadar, kuwaas oo uu kala hadli doono danaha labada dhinac oo ay ka mid yihiin xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Safarkan Madaxweyne Cirro ee dalka Qadar ayaa noqonaya safarkii u horreeyey ee Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu dalkaasi ku tago. Dowladda Qadar ayaa xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya, lamana oga sababta haatan kusoo beegtay safarka madaxweynaha Somaliland.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles