Monday, June 8, 2026

Madaxweynaha Soomaaliland oo u ambabaxay dalka Qatar

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar ugu baxay dalka Qadar, halkaas oo uu ku sugnaan doono maalmaha soo socda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada, Madaxweyne Cirro ayaa marti-qaad ka heley dowladda dalka Qadar, waxaana ka mid ahaa weftigan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta ito Awqaafta, La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha.

War-saxaafaddeedka laga soo saaray Socdaalka Madaxweyne Cirro, waxaa kale oo lagu sheegay in muddada uu madaxweynuhu joogo magaalada Dooxa uu la kulmi doono madaxda iyo mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda Qadar, kuwaas oo uu kala hadli doono danaha labada dhinac oo ay ka mid yihiin xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Safarkan Madaxweyne Cirro ee dalka Qadar ayaa noqonaya safarkii u horreeyey ee Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu dalkaasi ku tago. Dowladda Qadar ayaa xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya, lamana oga sababta haatan kusoo beegtay safarka madaxweynaha Somaliland.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles