Wednesday, August 19, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday Saldhiga Booliska Degmada Caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska degmada.

Dagaalka ayaa qarxay xilli xiisad la xiriirta dhismo cusub oo laga wado saldhigga Caabudwaaq ay maalmahan dambe ka taagneyd magaalada.

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, muranka ugu weyn ayaa salka ku haya jihada loo jeedinayo ilinka ama albaabka cusub ee saldhigga, taas oo maleeshiyaadka weerarka qaaday ay si cad uga soo horjeesteen.

Maleeshiyaadka ayaa diidan in ilinka laga jeediyo dhanka ay ku yaalaan hoteello iyo goobo ganacsi, iyaga oo ka cabsi qaba in amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga deegaanka uu saameyn ku yeesho jihada cusub ee laga dhisayo albaabka.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen dagaalka, kuwaas oo isugu jira maleeshiyaad, askar boolis ah iyo dad shacab ah. Sidoo kale, 2 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseynta oo socotay muddo saacado ah.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu dib u qarxo haddii aan la helin xal siyaasadeed oo degdeg ah.

Ilaa iyo hadda maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka kama aysan hadlin xaaladda cusub, inkasta oo warar hoose ay sheegayaan in la wado dadaallo lagu doonayo in lagu joojiyo colaad hor leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles