Taliye Sahal oo Masaajid Cali Gaduud u tagay dardargelinta howlgalka Al-shabaab

Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa tagay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha ayaa waxaa uu halkaasi u tagay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaa uuna la kulamay saraakiisha iyo askarta ka tirsan cidiamada xoogga eek u sugan deegaanka Masaajid Cali gaduud.

Deegaan  uu tagay Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa dhawaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka waxaa ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab oo muddo halkaasi ku suganeyd.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ciidamada ku sugan jiida hore dagaalka waxaa uu sheegay in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, inta laga saarayo guud ahaan dalka.

Safarta uu taliyaha ku tagay deegaanka ayaa imaanaya xili ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay  kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles