Wednesday, August 19, 2026

Taliye Sahal oo Masaajid Cali Gaduud u tagay dardargelinta howlgalka Al-shabaab

Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa tagay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha ayaa waxaa uu halkaasi u tagay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaa uuna la kulamay saraakiisha iyo askarta ka tirsan cidiamada xoogga eek u sugan deegaanka Masaajid Cali gaduud.

Deegaan  uu tagay Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa dhawaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka waxaa ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab oo muddo halkaasi ku suganeyd.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ciidamada ku sugan jiida hore dagaalka waxaa uu sheegay in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, inta laga saarayo guud ahaan dalka.

Safarta uu taliyaha ku tagay deegaanka ayaa imaanaya xili ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay  kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles